U bood dhigaalka

Wasiirada Galmudug Oo Ka Shiray Amniga Deegaanadooda

Sheeko:Dalka

Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka Galmudug State ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo sida Amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta.

Kulankaasi oo shalay gelinkii dambe dhacay ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne ku xigeenka mamulkaasi Maxamed Xaashi waxaana uu sheegay in kulanka dhammaan qodobada looga hadlay ay ahaayeen kuwo muhiim u ah shacabka Galmudug.

Waxa uu ka hadlay madaxweyne ku xigeenka arrinta ku aadan dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil kuna billawday daaqsinka isaga oo sheegay in shacabka ay ugu baqayaan inay ka fogadaan wax walba oo dhiigooda ku daadan kara.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maamulkooda xoogga uu saarayo sidii loo heshiisiin lahaa dhammaan beelaha ku dhaqan deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa wax kala tabanaya.

Xilliyada qaar ayaa dadka ku dhaqan dhulalka baadiyaha ah ee Galmudug waxaa dhex mara dagaal la xiriira dhulal, waraab ama daaqsin, kaasi oo sababa khasaare xooggan.

Goobjoog News