U bood dhigaalka

Wasiiro iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo Barnaamijka “Gurmad iyo Gargaar” ee Goobjoog News ku yaboohay 38,300 oo Dollar.

Sheeko:Dalka

Goobjoog News oo tan iyo 23-kii April 2015-ka waday barnaamijka”Gurmad iyo Gargaar” ayaa maanta barnaamij gaar ah u qabatay dhageystayaasha Idaacadda si loo taageero dadka ku dhibaateysan Yemen.

Barnaamijka oo ay marti ku ahaayeen gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa socday 10:00 Subaxnimo ilaa 4:30 Galabnimo, dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ku yaboohay lacag aad u tiro badan.

Barnaamijka waxaa lasoo xiriiray dad aad u tiro badan, Caruur iyo Cirroole, dhamaan lacago ayey ku yabooheen, qaar ka mid ah dhageystayaasha ayaa dhar iyo alaabo kale keenay Istuudiyaha Idaacadda, qaar ayaa Lacago keenay gudaha Idaacadda oo Gudiga u dhiibay, Waxaa dadka ka muuqatay qiiro wadaniyad.

Aasaasaha Goobjoog News Mudane Abshir Bukhaari ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlayey Barnaamijka”Gurmad iyo Gargaar” isagoo yaboohay lacag dhan 550 Dollar taasi oo u horseeday in dad badan ay ku deydaan.

Barnaamijka waxaa laga soo wacay inta badan gobolada dalka, waxaa loo kala hor maray Lacag yaboohidda, Caruurta ayaa bixiyay lacag, Hooyooyin ayaa lacag bixiyay, Haween iyo dhalinyaro ayaa Istuudiyaha ku dhex Ooyey, barnaamijka ayaa dhaafay waqtigii loogu talo galay.

Barnaamijka”Gurmad iyo Gargaar” waxaa sidoo kale lasoo xiriiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo lacag badan u yaboohay dadka ku dhibaateysan Yemen, Mas’uuliyiintaas waxaa ka mid ah:

Agaasimaha arimaha bulshada iyo xirrirka dadweynaha ee xafiiska Ra’isul wasaaraha: Dr. Cabdicasis Dahir oo ku yaboohay Boqol dollar, halkan hoose ka akhri sida ay mas’uuliyiinta u soo kala horeeyeen Lacag yaboohidda.

  • Wasiirka Arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo ku yaboohay mushaarkiisa hal bil 5000 oo dollar.
  • Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) Wassiirka dhalinyarada iyo Sportiga ayaa ku  yaboohay mushaarkiisa hal oo 900 laga jaray.
  • Wasiir dowlaha arimaha gudaha Caddirashid Xidig oo yaboohay Mushaarkiisa 2000 oo dollar.
  • Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Xaaji Cali oo ku yaboohay mushaarkiisa oo ah 2000 oo dollar.
  • Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan oo ku yaboohday 10,000 oo dollar,
  • Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa ugu yaboohey Qaxootiga Yemen 12 Kun dollar oo ah mushaarkiisa labo bil.
  • Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha oo ku yaboohdey Kun Dollar.
  • Wasiirka Ganacsiga Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo ku yaboohey 2000 oo dollar.
  • Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo ku yaboohey 2000 oo dollar.

Lacagta guud ahaan ay Mas’iiliyiintaas: 38300 oo dollar.

Barnaamijkan Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News waxaa uu bilowday 23 April 2015-ka.