U bood dhigaalka

Wasiiradda Haweenka Dowladda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Ka Hadashay Xarig Loo Geystay Agaasimaha Wasaaradaasi

Sheeko:Dalka
Wasiirka haweenka & xaquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye
Wasiirka haweenka & xaquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay xarig loo geystay agaasimahii Wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur.

Ugu horeen waxa ay xaqiijisay in agaasimaha ay gurigiisa ugu galeen ciidamada Nabad Sugidda Qaranka, islamarkaana haatan uu ku sugan yahay xarunta Godka Jilacoow waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Waxa ay sheegtay markii ay xiriir la sameesay hay’adaha amaanka loo sheegay in agaasimaha lagu soo eedeeyay ku takri fal awoodeed, sidaana lagu soo xiray.

Xeer Ilaaliyaha guud ayeey sheegtay in falkaasi uu ka dambeeyay islamarkaana uu ku xadgudbay, taasina ay kasoo horjeedo Dastuurka, waa sida wasiiradda ay warbaahinta u sheegtay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhanka kale sheegtay hadii eed loo soo jeediyay agaasimaha in ay ahayd in loo soo maro qaab sharci ah, sidoo kalena loo baahnaa in warqad loo keeno, balse aanay dhicin.

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha guud weli kama aanu hadli edeyntaan ay usoo jeedisay wasiiradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo sidoo kale waxa ka jira in xariga Agaasimaha uu isaga ka dambeeyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News