U bood dhigaalka

Wasiirka ammaanka qaranka Khaliif Axmed Ereg oo maanta la wareegay xilka

Sheeko:War

ereg 2014Wasiirka ammaanka qaranka oo maanta xilkaas kala wareegay wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo si KMG ah u hayay wasaaradaasi ayaa ballan qaaday in aysan dhici doonin si fudud in loo sii daayo eedeysanayaasha ku cad dambiyada loo haysto.

Wasiirka amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo hadal ka jeediyay munaasabadii xilka uu kula wareegayay ayaa sheegay in wax badan uu ka qaban doono ammaanka magaaladan sida uu warka u dhigay.

Intaa waxa uu ku daray warkiisa Khaliif Axme Ereg in sharciga lala tiigsan doono shaqsi kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha dambiga lagu soo oogay.

Xilkan waxaa hore isaga casilay wasiirka hore ee ammaanka qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed wax yar uun kadib markii xarakada Al-Shabaab maalin cad weerar ay ku qaadeen xaruunta golaha shacabka.

Magacaabista wasiirka cusub ee wasaaradaasina waxa uu yimid markii Al-Shabaab mar kale weerar ay ku qaadeen xarunta aqalka madaxtooyada.

Wararka Goobjoog news