U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Galmudug oo Ka Warbixiyey Shir Amni oo Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Shir looga hadlayey amniga guud ee magaalada, waxaana qeyb galay mas’uuliyiin heer federal iyo qaar maamulka Galmudug ah oo madaxweynaha maamulka Galmudug ugu horeeyo.

Mas’uuliyiintii ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya , madaxweynaha Galmudug, wasiirka amniga Soomaaliya, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha xoogga iyo Booliiska XFS .

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo gabangabadii shirka la hadlay warbaahinta ayaa sharaxay wixii looga hadlay intii uu shirku socday” Shirkaas waxaa uu ku saabsanaa dhacdadii xanuunka badneyd in la iska wareystay, falcelinta rasmiga ah ee ku haboon iyo wafdiga xoogan ee ka yimid Muqdisho, tacsi kaliya uma imaanin waxaa kale ay u yimaadeen in tallaabada loogu aar gudayo walaalahaas shihiiday in laga tashado ” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Runtii talo iyo qorshe xooggan ayaa meeshaas nooga timid, waxaana ra’iisalwasaaraha iyo wafdiga ka yimid Xamar oo ay kamid yihiin wasiirka amiga, wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ay sharaxeen qaabka cusub ee loola falgalayo Argigixisada deegaannadaan ku dhuumaalaysata Galmudug oo mar weliba labeenta umadda dhibaatada u geysata” ayuu yiri

Dhanka kale waxaa uu sheegay in shaqadii ay hayeen saraakiishii geeriyootay ay sii socon doonto” Galmudug maamulkeeda madaxweynaha iyo wasaaradda amniga iyo qeybaha kaleba, iyaguna qorshahooda ay kula tacaalayaan arrintaas, labadaas qorshe oo isku dhafan sidii looga howlgeli lahaa sida ugu dhaqsaha badan, cadowga u maleeyey saraakiishii wanaagsaneyd ee la dilay in ay ku egtahay shaqadii ay hayeen in la tuso in shaqadii ay hayeen ay sideedii u sii soconeyso oo weliba ay ka sii xoogaysanayso” ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu fariin u diray shacabka ku nool Galmudug” Waxaa runtii ku soo fool leh bishaarooyin faro badan, oo aysan aheyn jugtii dhacday iyo qaraxii, inaan loo dabcin waa in ay mooralkooda ay kor ka dhigaan, Argigixisana insha allah korka ayaa looga dhacayaa, waxaa ay sameeyeen wax nagu culus ayuu ahaa, intaas mooralkeennu kuma jabayo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi.

Goobjoog News