U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha “Waxaan Diyaarineynaa Qorshe Lagu Sugayo Amniga Doorashooyinka”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaar garow ballaaran ay u galeyso sidii amniga dalka loo xaqiijin lahaa gaar ahaan xilli la doonayo in doorasho ay dalka ka dhacdo.

Wasiirka wasaaradaaasi C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradda amnigu ay sii diyaarineyso barnaamijyo lagu horuimarinayo ammaanka si looga hortago falal amni darri oo ka dhaca dalka xilliga doorashada ay socoto.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in ciidamo tiro badan oo kuwa Soomaalida ah iyo kuwa AMISOM ee dalkaa nabad ilaalinta u jooga ay iska kaashan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa hannaanka doorashada ammaankeeda, islamarkaana looga hortagi lahaa qaraxyo iyo weeraro ay geystaan Xarakada Al-shabaab.

“Waxaa jira qorshe loogu tala galay doorashooyinka oo la yiraahdo qorshaha sugitaanka amniga doorashooyinka, qiimeyntiisa ayaa socota, mardhow iyadoo qoraal ah ayaa la keeni doonaa golaha wasiirada, madaxda dowladdana lala qeybsan doonaan, waxaa qorshahaasi qeyb ka ah Hay’adaha amniga, doorashooyinka waxay ka dhacayaan magaalooyin kala duwan ciidamadii amniga waa la kala qeybin doonaa meelaha ay ka dhacayaan amnigooda si wanaagsan baa loo sugi doonaa’

Bisha August ee sanadkaan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho madaxtinimo taasi oo qaban qaabadeeda laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Goobjoog News