U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodusho ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan  Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah.

Wasiirka, oo xusay in dhawaan la meelmariyay Sharciyada Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sharciga Socdaalka, ayaa timaamay muhiimadda ay leeyihiin in si rasmi ah loo dhaqangeliyo Shuruucda la meelmariyay iyo Sidoo kale in la soo saaro xeerarkii lagu dhaqi lahaa shuruucdaas.

“Hay’addu waxay yeelatay shuruuc cusub oo la jaanqaadeysa sharciyada kale ay leeyihiin hey’adaha kale ee dhigeeda ah” sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga Md Doodisho.

Wasiirka ayaa mudadii uu shirku socday waxa uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, wuxuuna ku amaanay sida daah furnaanta leh oo ay shirkan ugu kala war qaadanayaan madaxda HSJ, isagoo bogaadiyay howlaha hortabinta leh ee socda.

Ugu dambeyna, Wasiirka Wasaaradda Amniga Md MAxamed Sheekh Cali (Doodisho), oo shirka soo xiray, ayaa saraakiisha HSJ kula dardaarmay ilaalinta sirta hey’adda iyo tayaynta adeegyada ay bixiso, iyo sidoo kale in la xoojiyo wada shaqeynta hey’adda dhexdeeda iyo hey’adaha kale ee ay shaqo wadaaga yihiin taas oo uu sheegay Wasiirku iney horseedi karta horumar iyo in horey loo socdo.

Goobjoog News