U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Kulan la Qaatay Safiirka Midowga Yurub

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa kulan la   qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta Wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa xusay in kulanka ay isla meel dhigeen xoojinta wada shaqeynta iyo in Midowga Yurub ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee la xiriirta laamaha amniga iyo dib u dhiska dalka, xilli Midowga Yurub uu ka taageero Soomaaliya dhinacyo badan oo amnigu ku jiro.

“Waxaan maanta kulan qoto dheer la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann oo aan ka wada hadalnay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha xasilinta iyo mashaariicda horumarineed ee laamaha amniga si wax ku ool ogu noqdaan bulshada Soomaaliyeed”.ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wasaaradda amniga ay horyaallaan arrimo dhowr ah oo la xiriira xoojinta amniga dalka, xilli mararka qaar ay ka dhacaan caasimadda iyo magaalooyinka kale falal kasoo horjeeda amniga, midowga Yurub ayaa Soomaaliya siiya taageero dhinacyo badan.

Goobjoog News