U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Puntland: Gacan Bir Ah Yaan Ku Qabaneynaa Raggii Kufsiga Ka Geystay Burtinle

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka Puntalnd Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan 7 ruux oo dhowaan kufsi ka geystay deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal.

Wuxuu sheegay wasiirka oo ku sugan deegaankaasi ineysan ka tageen halkaasi iyaga oo aan soo qaban raggaasi islamarkaana ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in haddii ay waayaan 7-daasi ruux in ay xabsiga dhigi doonaan aabayaashood waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankii 7-da ahaa ee gabdhaha kufsaday waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo  keeno, kama noqoneyno, gaarigaasi inaan ku xirnaan u keennay gadaalna ugama noqon doonno haddii la waayana aabayaashood ayaa la xiri doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Puntland ayaa horey u xukuntay dhallinyaro kufsi ka geystay deegaanno ka tirsan maamulkaasi, waxaana maamulka uu diiddey in xeer dhaqan lagu dhameeyo falalka kufsiga ah.

Goobjoog News