Wasiirka amniga qaranka iyo guddiga ammaanka oo kulan xasaasi ku yeeshay Muqdisho

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, kaasi oo looga hadlayay arrimaha ammaanka iyo sida wax looga qaban karo beegsiga Xildhibaannada iyo dadka wax galka u ah bulshada.

Kulanka oo u jeedkiisu ugu weyn ahaa sidii ay u kala warqaadan lahaayeen Wasiirka Amniga iyo Guddiga amniga ee Baarlamaanka oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee xaga amniga, gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada ka sameeyeen  qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kadib, waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxa uuna sheegay in kulanka looga hadlay howlgallada, adkeynta amniga iyo dabagalka xubnaha ka tirsan xarakada Al-Shabaab sida hadalka uu u dhigay.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kulanka diiradda lagu saaray tayeynta cidamada marka ay sameynayaan howlgallada, ayna kala gartaan shacabka iyo kuwa cadowga ku ah sida uu yiri, taasi oo wanaajin karta xiriirka shacabka iyo hay’adaha amniga.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro lagu dilay xubno ku jiray dowladda federaalka Soomaaliya, iyo howlgal xalay xukuumadda Soomaaliya ay ku soo qabatay hub iyo dhar ciidan oo ku jiray guri uu degnaa sarkaal ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW