U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Dibadda dowladda Federaalka iyo Ra’iisul wasaaraha Yemen oo Arimo badan ka wada hadlay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Sanaa,November 26,2014 –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda dalka Yemen Ra’iisul wasaaraha dalkaasi H.E. Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.

Wasiir Beileh , waxa uu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Yemen , kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda  Soomaalida  iyo xoojinta dadaalada lagu cirib-tirayo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda ee dalalka Soomaaliya  iyo Yemen dhibaatooyin ba’an u kala geystay.

Ra’iisul wasaaraha Yemen H.E. Khaled Bahah ayaa muujiyay xushmadda uu u hayo mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay u saldhigidda amniga , nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen .

Khaled Bahah waxa uu taageeray geedi socodka nabadda iyo federaaleynta ee ka soconaya dalka Soomaaliya , isagoo rajeeyay in guul  uu ku dhammaado hiigsiga cusub ee 2006 ee Soomaaliya u qorsheysan .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqaday Rugta Ganacsiga Yemen iyo Xarun goboleedka  isdhaafsiga macluumaadka badda, waxa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Kaluumeysiga H.E. Fahd Salem Kefayen .

Halkaan hoose ka daawo sawirada

RUGTA GANACSIGA YAMAN 3

WASIIRKA KALUUMEYSIGA

WASIIRKA KALUUMEYSIGA 2

XARUN GOBALEDKA IS WEDARSIGA MACLUMADKA BADAHA

XARUN GOBALEDKA IS WEDARSIGA MACLUMADKA BADAHA 2
20141125_101204

20141125_101507

20141125_104035

pm yaman

pm yaman 3

PM YAMAN 4

PM YAMAN 6

RUGTA GANACSIGA YAMAN

RUGTA GANACSIGA YAMAN 2