U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha “Nabad Iyo Wadahadal Ayaan u Nimid Dhuusamareeb”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo goor dhaw ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Dhuusamareeb ayaa si kooban waxa uu u faah faahiyay uljeedka uu degmadaasi u tagay.

Wasiirka ayaa ugu horeen sheegay in halkaasi ay u tageen Nabad iyo wadahadal, islamarkaana ay ka go’an tahay dowladda Federaalka in dadka ay isku soo dhaweyso.

Waxa uu sheegay wasiirka in degmada Dhuusamareeb sidoo kale ay u tageen sidii ay wada hadal ula gali lahaayeen Ahlu-sunna Waljameeca, lana doonayo in Ahlu-sunna ay kaalinteeda ka qaadato dhismaha maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, walibana ay degmada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyaan dadka ku howlan dhismaha maamulkaasi.

“Waxaan rabnaa in caasimadii ay dadka yimaadaan, kuwii maalin dhaweyd baxay, kuwii ka horeeyay, albaabada aad furtaan, dadkana aad soo dhaweysaan, si shaqadii loo qabto ayaan u imid hadii uu alle raali ka noqdo, waxaana wehlisa in shaqooyin fiican cadaado laga qabtay oo Dastuurka uu dhamaad yahay, xildhibaanada xulistooda lagu jiro, dabcan sida aan horay idiin kugu sheegay cid allaale iyo cidii ka dhiman waa lagu dhameystirayaa xaq ayeena u leedahay in lagu dhameystiro, waxaan rabaa inaan idiin sheego, hadda kahorna halkaan baan idin kula hadlay intiina badan inaad joogteen baan u maleynayaa, imtixaan baan hor taagannahay taariikhda ayaa na imtixaaneyso oo ay leedahay Labadaan Gobal dadka degan ma sameysan karaan maamul ay u mideysan yihiin mise?”

“Aad baan u dhawnahay, laakiin hadana waxbaa dhiman, adkeysi bay rabtaa, wax isku quurid bay rabtaa, tanaasul bay rabtaa, laakiin hadaan is fiirsanno oo anaga isku adkaanno wax badan baa halaabaya, waxaa la idin ka codsanayaa culima’udiinka Ahlu-sunna Waljameeca iyo dhammaan dadka reer Dhuusamareeb hadafka laga lahaa jihaadki dheeraa ee aad soo gasheen waxa uu ahaa in dowladnimo dhameystiran lagu gaaro, mar walba waan qirsannahay wixii ay Ahlu-sunna dhulkaan usoo martay, shabaab ka qabatay, meesha ay maanta jiraanna ay iyadu gaarsiisay, laakiin waxaa la rabaa hadii Tallaabo kale lagu dari karo in lagu daro”

“Waad ka war haysaan in aduunka uu ku heshiiyay nidaam dowladeed in la ahaado, nidaamka dowladeed oo la’idiin ogol yahay ma hayo wax sabab ah oo aad banaanka uga joogtaan, hadii ay jiraan dadka qaar oo jecel in banaanka aad joogtaan waad noo sheegaysaan waana ka wada hadleynaa, laakiin anaga runtii waxaan aaminsannahay in shaqada aad haysaan ay tii dowladda tahay, magaca un aan isku khilaafsannahay waxaan rabaa in magaca intaan ku heshiinno hadafkii weynaa oo umaddaa ay lahayd ee lagu wada gaari karay hooska dowladda aan wada harsanno, culimada magacooda waligood ayuu jiri jiray  waligoodna wuu jirayaa wuuna joogayaa, laakiin shaqada la qabanayo iyo muuqaalkeeda waa midaas, dadka aad usoo dagaalanteen ee aad usoo dhimateen waxay u baahan yihiin horumar, Nabad iyo maamul, wuxuuna ku imaan karaa maamulkaasi Labadaasi gobal loo sameynayo, gadaal yaan u laaban, wada hadalka iyo warbixinada wey inoo dhiman yihiin, mar walba oo aan wax sheegayno anaga Laba carab kuma hadalno, halkaan waxaan hadda u nimid Nabad iyo Wada Hadal, dowladnimada ayaa dadkaan deeqda, waana ku faraxsanahay inaan kusoo Laabto Dhuusamareeb, waxaana marka kale ee imaanayo degmadaan rajeynayaa inaan imaado aniga oo wado Madaxweynihii Mudug iyo Galgaduud, shaqo badanna wey ka sokeysaa, wax walbana sabar ayeey u baahan yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Waxaa la filayaa in Wasiirka uu kulamo la yeesho saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb, iyadoo toos looga wada hadli doono tabashada Ahlu-sunna iyo arrinta ku aadan qabsashada Dhuusamareeb.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News