U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Ka Socda Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobalka Galgaduud, gaar ahaan dhanka xuduuda Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyo dad shacab ah iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Boolis.

Waxa uu sheegay wasiirka in dadaallo badan ay ku bixiyeen sidii loo damin lahaa dagaalladaan, islamarkaana waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in ciidamada Liyuu Boolis oo Soomaali ah ay dad shacab ah dilaan.

“Waxaan rabaa in aan idin la wadaago shaqaaqooyinka iyo dhibaatooyinka ka taagan xuduudda galgaduud iyo xadka Ethiopia, waan isku daynay in aan la hadalno labada dhinac, waxaase ayaan darro ah in dadka wax dilay ay ahaayeen ciidamada Liyuu Boolis”

Dagaallada sidaan oo kale ah ayuu sheegay wasiirka Odawaa in ay soo laablaabteen, sidaa darteedna uu ku baaqayo in shacabka dhiigooda la badbaadiyo.

“Waxaan fariin u direynaa in dadka Soomaaliyeed dhiigooda la badbaadiyo, dabcan dadka xoolo raacatada ah ee xuduudaha mar waliba u gudba, hadda qeylo dhaanta waxa ay ka jirtaa dhanka Guriceel ee xuduudda la leh Ethiopia, hadda ka hor waxa ay ka jirtay dhanka Caabudwaaq, waxay kaloo ka jirtay Hiiraan, waxay kaloo ka jirtay Bakool, marka shaqaaqooyinkaasi soo laa laabanaya waxaan dooneynaa in laga gudbo oo gacan laga geysto sidii uu dowlad deegaanka Itoobiya ay arrimahaasi wax uga qaban lahayd” ayuu yiri wasiirka

Dagaallada ka socda gobalka Galgaduud ee u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada Liyuu Boolis ayaa socda ku dhawaad 7-aad, waxaana ciidamada dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya la sheegay in ay dileen shacab u badan Haween iyo Caruur.

Goobjoog News