U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Hay’adaha Samafalka Kala Hadlaya Caawinta Dadka Ka Imaanaya Yemen

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha gudaha ee maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa waxa uu hay’adaha samafalka ah ee halkaasi ku sugan kala hadlayaa sidii loo caawin lahaa dadka kasoo barakacaya Yemen.

Wasiir Karaash ayaa sheegay in uljeedka ugu muhiimsan ee Boosaaso u gaareen ay tahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Hay’adaha samafalka ah iyo saraakiil ka socota Qaramada Midoobay.

Dadka ka imaanaya Yemen ayuu sheegay in hadda ay u baahan yihiin in loo gurmado, islamarkaana dadka ay isugu jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed iyo Qaxooti Yemeniyiin ah.

“Waxaad la socotaa qaxooti badan in ay soo gaarayaan Boosaaso, waxaan culeyska na haysta la wadaagi donnaa hay’adaha Samafalka ah iyo xubnaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadanimada” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Axmed Karaash ayaa sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso ay sii diyaarin doonaan dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Boosaaso.

Goobjoog News