U bood dhigaalka

Wasiirka Arr. Dibadda Soomaaliya: Sacuudiga Go’aan ay Qaateen oo Aan Ku Taageernay Ma Jiro

Sheeko:Dalka

Amb. Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay in aanu jirin go’aan ay qaateen Soomaliya oo ay ku taageereen dalka boqortooyada Sacuudiga.

Amb. Axmed Ciise  oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Sacuudiga go’aan ay qaateen oo aan ku taageernay ma jiro, innaga waxan taageernay in labada dal ay khilaafkooda si nabad ah ku dhameeyaan, waxaa kale oo aan taageernay in aan la faragelin dal arrimahiisa u gaarka ah, oo la ilaaliyo qaranimadiisa”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sharaxaad ka bixinayey go’aakooda isaga oo yiri “Go’aanka waa midka aad aragteen, waa in labada dal ee walalaalaha ay khilaafkooda dhameeyaan, oo ay ku dhameeyaan isku kalsooni iyo wanaag, waxaa kale oo go’aanka sheegayaa sida uu xiriirka calamiga ah qabo in laga dheeraado faragelinta dalalka arrimahooda gudaha, oo madaxbannaani, qarannimada iyo go’aankooda siyaasadeed iyo mowqifka dowladda”

Waxaa la weydiiyey erayga taageerada ee war saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ku qornaa “Waa run ku taageernay dowladda Sacuudiga inaan arrimahooda gudaha lagu faragelin, sida aan u taageeri laheyn dalka Canada inaan arrimahooda gudaha la faragelinin, marka mowqifka dowladda waa kaas, waa mowqif mas’uul ah, waa mowqif qawaaniinta xeeraka waafaqsan weeye”.

Mar la weydiiyey haddii go’aanka lagu cadaadiyey waxaa uu ku jawaabey“Waqtiga hadda la joogo, waxaan u maleynaa inay caddaatay in dowladda Soomaaliya ay go’aamadeeda iyada qaadan karto iyada oo ka fog cadaadis, arrintan waxaa ay aheyd arrin ay madaxda ka foorsatay, markii la fiiriyana mowqifkaas ayaa la qaatay.

Hadalka Amb. Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa uu ka hor imaanayaa qoraal ay xukuumadda federaalka ah soo saartey arbacadii kaas oo lagu taageeray Sacuudiga

Qoraalka dowladda Soomaaliya waxaa ku jiray “Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran”

Goobjoog News