U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Warqad uu Ka Sidey Madaxweynaha Soomaaliya Gaarsiiyey Madaxweynaha Yemen

Sheeko:Dalka

BeyleWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta
Maalgashiga H.E. DR. ABDIRAHMAN DUALEH BEILEH oo soo gaba-gabeeyay
socdaalkii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Sanaa ayaa waxa uu kulan gaar
ah la yeeshay Madaxweynaha Yemen H.E. ABD RABBUH MANSUR HADI oo uu
gudoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya H.E. HASSAN SHEIKH MOHAMUD.

Madaxweynaha Yemen Abdi Rabbuh waxa uu sheegay in dalkiisu uu garab
taagan yahay Soomaaliya si loo soo celiyo dowladnimadiisa iyo
hey’adihiisa si dhameystiran , taasoo Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin
karta nolol barwaaqa ah iyo horumar .

Kulankani oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Yemen , ayaa labada dhinac
waxa ay is tuseen Xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Yemen iyo
Soomaaliya oo ah mid aad u fog , saldhiggiisuna yahay isdhaafsiga
ganacsiga .

Madaxweyne Mansur Hadi , waxa uu carabaabay in dhaqaale xumo baahsan uu
heysto dalkiisa iyo dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dagaalo sokeeye oo
walwal leh ay dib u dhigeen , isagoo xusay in dhibtaasi ay horseeday in
burcad badeed ay ka dilaacdo xeebaha Soomaaliya  iyo Gacanka Cadmeed oo
dhabarka ka jabiyay dhaq- dhaqaaqa ganacsiga iyo ammaanka badda cas iyo
badda carbeed .

Madaxweynaha Yemen ayaa xusay muhiimadda ay leedahay agaasimidda qorshe
ammaan oo lagula dagaalamo argagaxisada isaga kala tallaabeysa
soohdinada iyo qaaradaha si loo abuuro deganaansho iyo ammaan .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa kaga
mahadceliyay martisooridda iyo soo dhoweynta wacan ee uu kala kulmay
dowladda Yemen , isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso
dhibaatooyinkii ay u geysteen dagaalada sokeeye iyo weerarada
argagaxisada , waxa uu  yiri “  Soomaaliya waxa ay xilligan
dooneysaa inay ka faa’ideysato kheyraadka dhulkeeda iyo baddeeda si ay
u hiigsato horumar iyo kobac dhaqaale”.

Goobjoog News