U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah uu ku joogayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shingiro ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse , oo ay kulan horudhac ah ay ku yeesheen caasimadda, wasiirka ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa madaxda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Wasiir Abshir, kulanka labada mas’uul ayay uga wada hadlen taageerada xagga ammaanka ah ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la sheegay la wadaagi doona dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye.

Dowladda Burundi ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha ay Soomalaiya ka joogaan ciidamada howlgalka ATMIS ee midowga Afrika, kuwaas oo taageera ciidamada dowladda federalka Soomaaliya, waxaana ay dalka ku sugan yihiin tan iyo sanadkii 2007 uu bilowday howlgalka.

Goobjoog News