U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha dibadda dowladda Federaalka oo shir muhiim ah kaga qeyb galaya Adis Ababa (WAR-SAXAAFADEED)

Sheeko:Dalka

Mogadishu, October 26, 2014-  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. DR. ABDIRAHMAN DUALEH BEILEH iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia , halkaasi oo uu kaga qeybgali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD oo looga hadli doono horumarinta wadamada geeska Afrika, waxaana ka qeybgali doona fadhigaasi gudoomiyaha bankiga adduunka DR. JIM YONG KIM .

Shirkani oo beri furmaya , ayaa Wasiir Beileh uu ku sheegay mid ahmiyad ugu fadhiya dalka , waxa uu yiri “ Soomaaliya waa dal la tirsanayo , laguna tashanayo , waxa aynu rajeyneynaa inaan gaarno horumarka ay hiigsadeen dalalka kale ee bariga Afrika”.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu safrin ayaa yiri “ nabad iyo caano ayaa u rajeynayaa Soomaaliya , waxaan Allah ka baryayaa inuu  Soomaaliya mideeyo”.  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa sidoo kale sheegay in uu kaga qeybgali doono Magaalada Dubai Shir heerkiisu sareeyo oo furmaya 29 bishan October, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha, waxaa lagu wadaa in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. HASSAN SHEIKH MOHAMUD la kulmo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey H.E. BAN KI-MOON iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo booqasho ku imaan doona Caasimadda Muqdisho.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa xusay inuu aaminsan yahay in burcad badeeda iyo falalka afduubka maraakiibta ay u geystaan lagu soo afjari karo iyadoo la abuuro fursado shaqo oo nolosha dadkaasi maareyn karta .