U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Kenya Oo Soo Gaartay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Raychelle Omamo, taas oo lagu wado in ay kulamo kala duwan la qadato mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Omamo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweyay dhigeeda wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Abdirasaq iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda soomaaliya.

Raychelle Omamo ayaa sidoo kale lagu wadaa in ra’iisul wasaare Rooble ay guddoonsiiso casuumaad uu maalmaha soo socdo ku tagayo dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyata ayaa qorsheysnaa mudda laba bil ka hor ah, xilligaas oo Rooble uu Nairobi ka helay casuumaad.

Goobjoog News