U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee UK Oo Yimid Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho yimid wasiirka arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson, waxaana wasiirka la socda wafdi heer sare ah.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey wasiirka, waxaana la filayaa in uu goor dhow la kulmo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in Muqdisho u yimid arrimo la xiriira abaarta dalka ka jirta iyo sidoo kale shir la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London, kaasi oo arrimaha Soomaaliya looga hadli doono.

Dowladda Ingiriiska waxay aad u xoojisey xiriirka ay la leedaha dalka, iyadoo sidan oo kale ay jiraan dowlado badan oo wanaajiyey xiriirkii ay Soomaaliya la lahaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News