U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Jawaabey Su’aalo Laga Weydiiyey Qatar iyo Qaraxyada

Sheeko:Amniga

Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga, waxaa uuna yiri”Halkaan kuma soo koobi karo waxaan wasiirka ka warsanay, waxaa ka mid ahaa Qaraxii 18-kii Mey ka dhacay magaalada Boosaso oo ay ku dhinteen dad Soomaali ah, oo maalin dhaweed warbaahintu isla dhex martay uuna soo daabacay wargeyska New York Times, in dowladda Qatar dad diblomaasiyiinteeda iyo ganacsatadeeda ku lug lahaayeen oo horay wasiirka aan warqad aaugu dirnay wasiirkana uu nooga jawaabay,  moowqikiisuna waxaa uu ahaa in dowladda Qadar ay dafirtay arrintaas”
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in guddi ahaan ay doonayaan in ay xaqiiqada jirta ay ka dabatagaan si shacabku uga qanco waxa la soo ban dhigay iyo eedeeaha dowladda Qatar loo jeediyay ayaduna ay beenisay wuxuuna yiri” wali waxaa inoo muuqato inay jirto baahi in xukuumadda federaalka ee Soomaaliyeed ay ka astaahilaan shacabka meel kasto ay joogaan,in arrintaas  xaqiiqadeeda ay ka daba tagaan oo ay baaritaan ay ku suu biyaan ayna la soo wadaagaan golaha”
Dhanka kale  Cosoble ayaa sheegay in ay tahay wax laga argagaxo in dowlado saaxib dhaw la ah xukuumadda ay wax ka ogaayeen dowladdana aysan la wadaagin wuxuuna yiri ” waa arrin argigixiso in lagu soo eedeeyo dowlado aan saaxiibo nahay aan xiriir leenahay in ay wax ka ogaayeen ama ay wax ka maqleen ayna waxna nala wadaagin waa arrin qatarteeda leh,arrintaas ayaan u sheegnay iyo moowqifkaas wasiirka inaan u baahan nahay in baaritaan lagu suubiyo”
Ugu Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in wasiirka arrimaha la weydiiyay ay ka mid ahaayeen cabasho ay soo gudbiyeen shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda, asaga oo ka warbixinaayana waxaa uu yiri “waxaa kale oo wasiirka aan ka warsanay arrimo ku aadan cabasho nooga timid shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda, wasiirkana waxaad moodaa waxyaabihii la weeydiiyay inuu bayaamiyay oo xildhibaanada su’aalo badan oo wasiirka xagiisa ah ay ka qanceen”
Goobjoog News