U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruuska oo Safarkiisa Afrika Uga Bilowday Masar

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo booqasho ku tegey dalka Masar ayaa  magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha dalkaas Masar Cabdil Fattax al-Sissi iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Sameex Shukri, si ay uga wadahadlaan qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dedaallada lagu soo afjarayo xiisadda ka taagan dalka Ukraine.

Qodobada ay sidoo kale  laga wada haday ayaa waxaa ku jira tallaabada dib loogu soo celinayo dhoofinta sareenka ee Ruushka iyo Ukraine, heshiisyo ganacsi oo wadajir ah, colaadaha gobolka ka taagan iyo weliba inay ka wada hadlaan wershed tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa oo Ruushku ka bilaabay inuu ka dhiso xeebta waqooyi ee dalka Masar.

Safarka wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka uu kusoo gaaray magaalada Qaahira ayaa noqonaya midkii  ugu horraysay ee safaro uu ku gaalaa-bixin doono qaaradda Afrika, Masar iyo dal weynaha Ruushka ayaa waxaa ka dhexeeya xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ku kacaya 4 illaa 5 billion oo dollar sannadkii, kaas oo isugu jiro dhinacyo badan oo Milatarigu ku jiro.

Goobjoog News