Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Ka Hadlay Saldhig Milatari oo Dowladda Emaratku ay Ka Codsatay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliand Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay jiritaanka  saldhig milatari oo ay dowladda Emaratku ka codsatay Somaliland.

Dr.Sacad Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa qirtay in uu jiro saldhig milatari oo ay codsatay dowladda Emaratku in laga siiyo magaalada Bebera:

“Way jirtaa in Dowladda Emaratku ay na weydiisato saldhig milatari, waa war caam ah oo la wada ogyahay, dhowr jeer oo horana laga wadahadlay, waddanka Emaratku waa waddan aanu Saaxiib nahay saxiibaduna saldhigyo way is weydiistaan, go’aankiisa saldhigga waxaa iska leh madaxweynaha iyo Labada gole ee baarlamaanka , madaxweynuhu kolba go’aanka uu ka gaaro waxa uu la qeybsan doonaa baarlamaanka iyaguna waxay ka gudan doonaan waajibaadkooda”.

Wasiirka ayaa ka hadlay iney jirto in dowladda Itoobiya ay walaac ka muujineyso saldhigga oo ay u aragto mid aan danaheeda u adeegayn:

“Saldhigyo milatari walwalkoodana waa leeyihiin manfacoodana waa leeyihiin, annaga Somaliland waxa nooyaalla waa sidii saaxiibadeenna labadaba u  ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan badda ka xiran, waxay isticmaalaan dekedda Jabouti oo kaliya, qurshuhu wax weeyaan tan Berberana iney isticmaalaan, marka wax kasta oo saameynaya marinnada ay badaha  walwalkeeda ayay leedahay”.

Si kastaba, Somaliand ayaa waxaa aad loo hadal hayay saldhigga milatari oo ay dowladda Emaratku ka codsatay in laga siiyo magaalada Berbera, iyadoo xildhibaanna Somaliland qaarkood ay walaac ka muujiyeen saldhigga iyo ulajeedada ay Emaratku ka damacsan yihiin.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW