U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye “Haddii Aan Mareykan Dilin, Sacuudina Dilin, Yaa dilay dadkeenna?”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aan la heyn dadkii dilay qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu dilay agagaarka marinka Baab-al-mandab.

Isaga oo ka hadlay sida Mareykanka iyo Sacuudiga iskaga fogeeyeen dilka dadkaasi ayuu is-weydiiyay“ Haddii Aan Mareykan Dilin, Sacuudina Dilin, Yaa dilay dadkeenna?”

Mr. Hadliye waxaa uu dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo baaro hey’addii dadkaasi masaakiinta ah dishay, waxaa uuna tacsi u diray dhammaan dadkii goobta ku dhintay, isaga oo soo jeediyay in la wada hadlo wixii dhacay.

Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay la hadashay qaar ka tirsan ehellada dadkii lagu dilay doonta, iyaga oo nooga warramay dareenkooda.

Mukhtaar Cumar Axmed(Cantar) oo wiil ay dhashay habar-yartiisa lagu dilay doonta la duqeeyay waxaa uu noo sheegay in uu wiilkaas ku cusbaa qurbaha oo labo bil uun maqan yahay.

Ibarhim Axmed Ibaarhim(Sacdaale) oo ahaa wiilka geeriyooday waxaa uu ahaa 23 jir mar dhaw ka baxay Hargeisa, kadib Boosaaso tagay halkaasina ka galay Yemen, haddana waxaa uu ku sii jeeday Suudaan markii la dilaayey, sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay Cantar.

Mukhtaar waxaa uu intaa ku daray in uu la hadlay gabar kale oo walaasheed ku gubatay doonta kadib markii uu gantaal ku dhacay dhankii ay doonta ka saarneed, isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in weli aan la aasin dadkii la laayey oo meydadka ay yaallaan magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Gabar magaceeda Xafso ku soo gaabisay ayaa dhankeeda Goobjoog News u sheegtay in eedadeed ay ku jirtay dadkii doonta ku dhintay, welina ay isweydiinayaan sababta dadkaasi loo dilay iyo cidda dishay?

Jimcihii 17-kii bishan diyaarado Hilicopter ah ayaa duqeeyay qaxooti Soomaaliyeed, 42 qof ayaa ku dhimatay gantaallo toos loola dhacay doonta, meydadkii iyo intii nooleed waxaa dib loogu celiyay Xudeyda ee dalka Yemen.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kharye ayaa sabtidii waxaa uu dhaleeceeyay dilka Soomaalida loo geystay isaga oo dalbaday baaritaan, laakin Kharye ma sheegin cidda ay tahay in ay baarto, mana jirto cid uu tuhmay.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa wixii dhacay: Yaa ka Mas’uul dilkii dhacay? Maxaa dadkaasi lagu dilay? Yaa bixinaya diyadii dadkaasi? waa maxay kaalinta dowladda federaalka ah marka cambaareyn laga soo tago?

Goobjoog News