U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wacay Dhiggiisa Qatar

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq ayaa khadka telefanka kula xiriiray dhiggiisa Qatar ahna ku xigeenka ra’isul wasaaraha Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxman Al-taani.

War Saxaafadeed kasoo baxay Qatar ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo wasiirka Soomaaliya oo warbixin ka siiyey arrimaha gobolka.

Qatar waxaa ay ka mid tahay dalalka ku milan arrimaha gudaha Soomaaliya iyada oo marar badan kala taageertay kooxaha is haya.

Goobjoog News