U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo Mas’uuliyiin U Magacaabay Matabaan

Sheeko:Amniga

Wasuiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle  ayaa maanta wareegto kasoo baxday ku magacaabay mas’uul ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, wasiirka ayaa wareegtadiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degamada oo loo magacaabay Cabdikaafi Shire Colaad, inuu noqdo.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu xoghayaha degmada umagacaabay  Cawil Nuur Yuusuf, maamulka Hirshabeelle ayaa dhowaan maamul cusub u magacaabay degmada Matabaan oo xariirisa gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana marar badan degmada soo galay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa qoraalka kasoo baxay waxaa mas’uuliyiinta la magacaabay lagu faray in howshooda ay u gudaataan si hufan, iyadoo hey’adaha kale duwan ee gobolka iyo degmada ay si dhow ula shaqeeyaan mas’uuliyiinta maanta uu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

 

 

Goobjoog News