U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Jowhar Dib Uga Furay Shirka Maamul U Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa galabta Jowhar dib uga furay shirka Maamu U Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka oo horkacaya wafdi wasiirro iyo xildhibaanno federaalka ah ayaa duhurkii gaaray Jowhar taasi oo meesha ka saartay shakiga ahaa in uu dib u furmo shirka Jowhar.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan odayaasha dhaqanka labada gobol, waxaa Goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirro ka soo jeeda labada gobol.

Furitaanka shirkan waxaa ka hadlay madaxda dhaqanka iyo wasiirka arrimaha arrimaha gudaha iyo federaalka, waxaana dhamaan laga hadlay ahmiyadda ay leedahay in dib loo amboqaado shirka iyo in laga fogaado wax walbo oo shirka hakin kara.

Shirkan waxaa weli ka biyo diidsan Ugaas Xasan Ugaas Khalif, lama oga in ay socdaan wadahadal hoose iyo in kale balse waxaa jirtay in dowladda ay la hadashay ninkan marar hore.

Wararka Shirka oo faahfaahsan, Kala Soco, Goobjoog News.