U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo AMISOM iyo Xoogga Dalka Kala Hadlay Amniga Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan ayaa kulan looga hadlayo amniga gobolka waxaa uu la qaatay ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM oo qeyb ka qaata amniga dalka kuna sugan Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Xagar Dabageed, waxaana intii uu socday si aad ah loogu lafaguray dardargelinta howlaha amniga lagu sugaayo ee magaalada  iyo guud ahaa gobka Hiiraan oo marmarka qaar ay ka dhacaan arrimo amniga lid ku ah.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddooynkii dambe waxaa uu ku sugnaa magaalada Beledweyn si uu soo afjaro saluug beelaha qaar ee gobolka Hiiraan ay ka muujinayaan maamulka cusub ee Hirshabeelle, taas oo keentay in jamhad kasoo horjeeda looga dhawaaqo gobolka Hiiraan.

Goobjoog News