U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Dibadda oo Gaaray Magaalada Jeddah

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaasi oo uu kaga qaybgeli doono shirka wasiirrada arrimaha dibedda wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo hordhac u ah shirka madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa looga hadli doonaa qadiyadaha ka taagan ee dunida Carabta iyo u sii gogol xaarka shirka Madaxda oo 19-bishan ka furmaya magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Qodobo ay ka mid yihiin deyn cafinta, cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer saaran dalka iyo tartanka Soomaaliya ugu jirto kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay 2025-2026 ayuu wasiirku kala hadli doonaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Goobbjoog News