U bood dhigaalka

Wasiirka Batroolka Oo Saaka Hortagaya Xeer Ilaalinta

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in wasiirka Badroolka xukuumadda Soomaaliya  Cabdirashiid Maxamed uu hor tago xeer ilaalinta qaranka .

Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta 21-kii bishan ayaa waxaa lagu yiri “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa uu u yeerayaa wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay warqadda sida tooska ah ugu socoto inuu yimaado maalinta isniinta ah oo  ay taariikhdu tahay  Tr. 25/04/2022 saacaddu ay tahay 11:00AM si wax looga weydiiyo heshiiska uu la saxiixay ee dhexmaray wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee DFS iyo shirkadda Coastline Exploration Limited”.

Haddaba, Halkan ka akhriso: 10 Su’aal oo ay tahay inuu Ka Jawaabo

1. Sababta uu Hoteel Dibadda ah ugu saxiixay? Xilli heshiis noocaan ah lagu saxiixi karo dalka gudahiisa ah iyo xaflad dunida kale la tuninayo, laguna dhiirigelinayo maalgeshiga, iyada oo madaxda dalka iyo shacabkaba ogyihiin, maxaa keenay in uu ku saxiixo qol madow oo ku yaalla Turkiga!

2. Sababta uu isaga oo indhotiray ammarada hakinta Heshiisyada ee Xilliga doorashada iyo kala guurka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu iska indhotiray Dekereeto uu Farmaajo soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaa arrintaas ku raacay sharcidejinta, sababta uu u baalmaray waa in wax laga weydiiyo!

3. Sababta uu uga dhuuntay Madaxweynaha muddo xileedka ka dhammaaday iyo ra’’isul wasaaraha? Labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble labadaba waxay heshiiskan ku tilmaameen mid sharci darro ah, taasii ku tuseysa inuu keligii ku ahaa go’aankaasi, waa in wax laga su’aalo!

4. Muxuu u Saxiixay Heshiis aan dhaqangal noqon karin? Heshiiskan waxaa ay xafiisyada ugu sareysa sheegeen in aanu noqon karin dhaqangal, taasi oo wejigabax ku ah shirkadihii heshiiska gashay iyo dowladda federaalka ah, muxuu dowladda u weji xumeeyey, waa inuu ka jawaabo!

5. Hadalka wasiirka ee ah, waxaa ila ogaa madaxweyne Farmaajo, maxaa caddeymo ah oo uu hayaa? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu sheegay in saxiixa uu la ogaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qaab noocee ah ayuu u ogaa, ma hadal ayuu hayaa mise qoraal, waa in la weydiiyo inuu soo bandhigo caddeymo!

6. Sababta uu meesha uga saaray Kaalinta iyo awoodda hey’adda Batroolka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu isticmaalaa awoodo aan dastuuri aheyn, isaga oo la wareegay shaqadii hey’adda Batroolka, isla markaana ka shaqeeya cabsigelinta shaqaalaha, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

7. Ma jiraan Heshiisyo kale oo Dalal iyo Shirkado kale ah? Marka laga soo tago xermooyinkan 7-bada ah, waa in la wax weydiiyo guud ahaan wax kasta wixii shidaal la xiriira oo dalka oo dhan ka socda, uuna keenaa warbixin dhameystiran!

8.  Sababta uu Dhaawac ugu geystay Maalgeshiga Soomaaliya? Arrinta uu wasiir Cabdirashiid sameeyey waxay dhaawici kartaa kalsoonida maalgeshi ee shirkadaha caalamiga ah ku qabeen Soomaaliya, iyada oo loo arko dal aaney madaxdiisa iska warqabin, taasi meel ku dhac ku ah meesha loo socdo, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

9. Ma jiraa lacag uu isaga ka helay arrinkan? Wasiir Cabdirashiid waa in la weydiiyo lacagaha kala duwan ee heshiiska ku hareereysan, ma jiraa wax faa’ido shakhsi ah, maxaa dalka kasoo galaya? Arrimahaas waa in wax laga weydiiyo.

10. Ma dhici kartaa inuu ku dhiirigeliyey shirkadda la tacaamulaan maamulka soo socda? Waa in Cabdirashiid wax laga weydiiyo haddii uu shirkadda ku dhiirigeliyey tallaabadan ama iney sharci darro ku dhaqaaqaan si haddii laga horyimaado ay la tacaamulaan maamulka soo socda!

Si kastaba ha ahaatee, su’aalo weydiinta wasiirka Batroolka ee isniinta waxaa isha ku haya dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xeer ilaalinta laga rabo in ay weydiiyo sababta uu tallaabadan uga degdegay, waqtiga ugu aadiyey, isaga dhagatiray madaxdiisa, ugu cayaaray masiirka umadda iyo hantidooda isla markaana uu u khatargeliyey mustaqbalka maalgeshiga Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabi karo.

Goobjoog News