U bood dhigaalka

Wasiirka Batroolka Oo Ka Warbixiyay Heshiiska Ay Dowladda Federaalka La Gashay Shirkadda Spectrum

Sheeko:Dalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtar ayaa faah faahin dheerad ah ka bixiyay heshiis magaalada Muqdisho kula galeen Shirkadda Spectrum taasi oo sahmin doonta meelaha shidaalka uu ku jiro ee dhanka badda Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkadaan dhulka ay sahminta ku sameyn doonto baaxadiisu yahay 28-kun oo badda dhankeeda ah.

“Sidaan xafladda ka sheegnay heshiiskaan waa mid sahmin ah oo Spectrum ku sameynayso dhul baaxadiisu yahay 28-kun oo KM oo badda dhankeeda ah, inta badan dhulkaan waa kii hore ee heshiiska u lahayd shirkadda Shella iyo kuwo kale, sirkadahaasi ayaa daneynaya in ay Soomaaliya kusoo laabtaan si marka arimahaasi aan u fududeyno ayaa loo baahan yahay xog dhab ah oo casri ah, maadaama dhowr iyo Labaatan Sano wadankii colaado ay ka jirtay oo laga maqnaa, bal inan ogaanno waxa lagu hayo, anagane sidoo kale dowladda Soomaaliyeed dan ayaa ugu jirto bal inaan fahamno oo aan ogaanno waxa baddeena ku jiro, marka heshiiskaasi arrintaasi ayuu ku saabsan yahay”

Wasiirka ayeeynu weydiinna in shirkaddaan ay tahay mid sahmin ku eg, ama in sidoo kale ay qodis tahay
“Heshiiskaan waa mid sahmin ah, laakiin shirkadaha kale waxa lasiiyay waa dhul, marka midaan Blog ma qaadanayso, waxay sameenaysaa oo kaliya inay ogaato waxa badaan ku jira, macluumaadka ay soo heshana la wadaagto shirkadaha caalamiga ah iyo dowladda Federaalka”

“Muhiimadda dowladda ugu jirto ayaa ah inay muujinayso Soomaaliya inay gaartay go’aan ah dhaqaale inay u baahan tahay, si go’aan dhaqaale loo ogaadana waa inaad ogtahay waxa aad haysato, marka aad ogtahay waxaad haysato ka dibna aad sameyso shuruucdii loo bahnaa ayaad iibsan kartaa oo si sax ah u iibsan kartaa, ama aad u heli karta maalgelin run ah, marka xogtaan waxay inoo saamaxaysaa in go’aan dhaqaale rasmi ah oo cilmi ku dhisan aan ka gaarno oo dadka Soomaaliyeed uga faa’ideynno”

Dalka waxaa ka jirta dowlad Federaal ah, sidoo kale waxaa jira maamul gobaleedyo, sidaa darteed wasiir Mukhtaar ayeeynu weydiinnay talada ay mamuladaasi ku leeyihiin howlahaan socda iyo heshiiska la saxiixay.

“Anaga waxa naga go’an waxay tahay in aan aruurinno xog, xogtaasina aan la wadaagno dadka Soomaaliyeed, sababtoo ah ma ahan xog qof uu qarsan karo, ama haysan karo, xogtaasina ay u ogolaatay in maamulka naftigiisa ha noqoto dowlad dhexe ama maamul gobaleed, waxa aan haysanno waa inaan ogaanno, sidaa darteed midda aan ka shaqeynayno waxay tahay inan dhihin shidaal ayaan leenahay, ee aan dhihi karno meeshaas ayaa shidaal ku jiraa, noociisa waa intaasi, ganacsi wuu galaa, ganacsi ma galo iyo waxyaabihii saamixi lahaa inaan go’aan gaarno, anaga kama hadleyno qodis ama soo saaris, waxaan ka hadleynaa oo kaliya maxaa badaan ku jira, waana macluumaad ay dadka Soomaaliyeed yeelanayaan, waxaan rajeyneynaa in sanad ama Laba Sano kayar in howshaan ay kusoo dhamaato, oo aan u gudubno marxalad ka duwan marxaladaan, laakiin wax walba waxay ku xirnaan doonaan Dabaylaha Maansuunka, jawiga meesha laga shaqeynayo ayeey ku xirnan doontaa” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka.

Dowladda Federaalka waxa ay heshiis la gashay shirkadda Spectrum ASA, taasi oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka ku jira badda.
Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal