U bood dhigaalka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo Gaaray Laascaanood

Sheeko:Amniga

Wararka ka naga soo gaaraya magaalada  Laascanood ayaa sheegay in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowl Federalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif uu tagay magaalada,  Wararka ayaa intaa ku daraya in uu kulamo la yeeshay gudiga 33 ee SSC ee maamula magaalada Laascaanood

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee tago magalada Laascaanood. Lama oga in uu weli magaalada joogo iyo inkale. Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil intaba.

Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka ka dhacaya magaalada dhinac ka hurinayaan.

Goobjoog News