U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Hay’adda WHO

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadan oo ay Wehilnaysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Husse, ayaa maanta xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Wafdi ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka  Adduunka ee WHO gaar ahaan xafiiska Bariga iyo Bartamaha.

Wafdiga ayaa ka koobnaa madaxa WHO ee Xafiiska Soomaaliya Mudane Mamnuur Rahman Malik, iyo Qubaro kale oo ah xeeldheerayaal Caafimaad, waxaanna sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo wfadiga wehliyay khubaro dib u eegaysa guulaha ay Soomaaliya ka gaadhay Adeega Caafimaadka Aasaasiga ah iyadoo loo eegayo halbergyada Caalamiga ee Caafimaadka loo dhanyahay ee Universal Health Coverage (UHC)

Wafdiga ayaa kulan socdey saacado la qaatey Madaxda ugu sarsarayso Wasaaradda si loogu kuurgalo hawlaha Caafimaad ee ka socdo Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Waxaanna sidoo kale jiri doono booqasho shaqo oo ay ku tagi doonaan xarumaha Caafimaadka sida Isbitaalka DeMartini, Iyo Shaybaarka dhaxe ee Qaranka

Madaxda ka socotey WHO, ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisey warbixin ku saabsan qorshaha World Health Organization ee Soomaaliya iyo dhameystirka Mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya iyo doorkooda ku aadan horumarinta qeybta Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga sidoo kalena kala hadlay wadashaqaynta ballaaran ee kala dhaxayso WHO oo qeyb wayn ka ah habsami u socodka shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha dalka ka jira iyadoona xilligan Dalka ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxa ayna saameysay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka iyadoo xaalad Bani’aadamnimo iyo mid Caafimaad ku keentey ku dhawaad 7 Milyan oo macluul ay soo food saartay.