U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda “Dalku Wuxuu Leeyahay Gole Adeeg Garsoor Oo madaxbanaan “

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Soomaaliya ee mudda xileedkooda dastuuriga ah dhamaaday ayaa sheegtay in gebi ahaanba la dhameeystiray dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la dhameeystiray guddiga dolaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya .

Qoraal wasiirka uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri ” Ayada oo loo hogaansamaayo dastuurka dalka, oo waajibinaayo dhismaha Golaha Adeegga Gasoorka si ay laanta garsoorku ugu madaxbanaanato waajib gudashadeeda si dhameystiran: Wasaaraddu waxa ay si adag uga shaqeysay dhameystirka dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana la soo dhameystiray xubnihi ka dhinnaa golaha, waxaa la marsiiyay golayaasha xukuumadda iyo Shacabka ugu danbeynna waxaa lagu soo saaray xeer madaxweyne, waxaana maanta ku guuleysannay in marki ugu horreysay taariikhada dowladnimada Soomaaliya uu dalku leeyahay Gole Adeeg Garsoor oo u madaxbanaan maamulka hay’adaha garsoorka ee dalka, arintaan ayaa ka dhigan in tiirki ugu muhiimsanaa hanaanka dimuquraadiga ah maanta loo suray qaranka Soomaaliyeed, taa oo ah madaxbanneynta buuxda ee garsoorka dalku helay.”

Warka ka soo baxay wasiirka ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha Midawga Musharixiinta ay sheegen shalay in Madaxweeynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo in uu saxiixay golaha addegga garsoorka, iyadoo warqadda saxiixa Farmaajo lagu soo saaray Taariikh aan aheyn midda uu saxiixay, wallow aan warqadda saxiixa golaha adeegga garsoorka aan lagu daabicin Baraha Internet-ka ee dowladda .

GoobJoog News