U bood dhigaalka

Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Oo Booqday Garoonka Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha Iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo la taliyaha dhinaca isboortiga Madaxweyne Farmaajo Prof.Maxamed Xuseen Haadi ayaa kormeer ku tagay garoomada kala duman ee tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho,waxaana madaxda Wasaarada isboortiga dalka ay u kuur galeen shaqooyinka kala duwan ee ka socota garoonka stadium Muqdisho ay dowladda la wareegtay bishii August 2018.

Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa qeybaha uu kormeer ku tagay waxaa ka mid ahaa qeybta cayaaraha fudud,wuxuuna Wasiir Xamse Saciid u mahadceliyay Dowladda Norway iyo Midowga Yurub oo kaalin weyn ka geystay quruxinta iyo dib u dayctirka stadium Muqdsiho.

“Garoonkan qiimeyn ayuu nagu lee yahay, waxaan ku gaaray guulo waaweyn waagii ahaa laacibkii kooxda Dekedda iyo Xulka,Wasaaradda ciyaaraha waxay diyaar u tahay horomarinta iyo dib u dhiska garoomada ciyaaraha dalka ayuu saxaafadda u sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

Dhinaca kale La taliyaha dhinaca isboortiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Prof.Maxamed Xuseen Haadi ayaa sheegay inta ay nafta ku jirto in ay diyaar u yihiin horomarinta isboortiga dalka,wuxuuna sheegay in Dowladda uu hogaamiyao Madaxweyne Farmaajo ay guul iyo taariikh u tahay soo celinta garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho,isagoo bahda isboortiga ugu baaqay in ay ilaashadan garoonka taariikhiga ah.

Tan iyo markii ay Dowladda soo celisay garoonka Stadium Muqdisho saddex sanno ka hor waxaa lagu qabtay tartamo kala duwan,waxaan talaabadan Dowladda kaga mahadceliyay bahda isboortiga Soomaaliya,Yuusuf Yuusuf oo horay u soo noqday saxafi dhinaca ciyaaraha ayaa bartiisa facebooka ku soo daabacay “sharaf ayay ii aheyd in aan Wasiir Xamse Saciid iyo Prof.Maxamed Xuseen Hadi oo igu casuumey inaan kale qeyb galo u kuurgalida dib u dhiska garoonka Muqdisho,isagoo Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyay soo celinta tuulada ciyaaraha Soomaaliya.

Sidoo Kal Aqriso Wararka Ku Saabsan Wasiir Xamse

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-xamse-wasaaradda-ciyaaraha-soomaaliya-waxaay-diyaar-u-tahay-garabsiinta-xiriirka-minifootboolka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle