U bood dhigaalka

Wasiirka Cusub Ee Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed Oo La Wareegay Xafiisyada Shaqada Wasaarada

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka cusub ee ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Koonfur Glabeed Cali Dhuux Maxamed ayaa la wareegay xafiiyada shaqada wasaarada ciyaaraha oo xarun u ah magaalada Baydhabo magacaabistiisa waxaa soo dhaweeyay bahada isboortiga deegaanka iyo saaxiibadiisa,iyagoo u raajeeyay in la yimaado wax qabad wanaagsan oo guul u horseeda dhalinyarada.

Wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cabdullahi Cumar Faarax ayaa u mahad celiyay dadkii kala soo shaqeeyay wasaarada mudadii afarta sano ee lasoo dhaafay,isagoo intaa ku daray in uu diyaar u yahay la shaqeynta wasiir Cali Dhuux Maxamed oo isaga  badalay.

Hami iyo hadaf aan ka lee yahay horomarinta isboortiga iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed ayuu xilka igu aaminay madaxweyne Cabdi Casis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) waxaanse ku dadalaay in aan la imaandoono qoryaashal kor loogu qaadayo ciyaaraha deegaana waxaa sidaas Goobjoog usheegay wasiir Cali Dhuux oo dhawaan la wareegay xafiisyada shaqada wasaarda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed waxa ay ka mid tahay gobolada ugu wax soosaarka badan dhinaca ciyaaryahanada kubbadda cagta tiro badan oo kasoo baxday waxa ay guul iyo sharaf u soo hooyeen Soomaaliya afartii sano lasoo dhaafay uu xafiiska joogay wasiir Cabdullahi Fanax waxa uu ka warbixiyay wixii u qabsoomay iyo meesha ay iminka taagantahay wasaarada ciyaaraha.

Saaxiibada iyo bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa aad u soo dhaweeyay wasiir Cali Dhuux,iyagoo sheegay in shaqsigii ugu haboonaa wasaarada loo magacaabay ayna ka sugayaan in la yimaado wax qabad guul u horseeda dhalinyarada.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Maamul Goboleedyada Hirshabeele,Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa yeesheyn wasiiro cusub oo dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada waxaana bulshada deegaanadooda ay ka sugayaan in la yimaadaan horomarinta iyo ko u qaadida ciyaaraha.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/760625340975841/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle