U bood dhigaalka

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Sheegay In Uu La Imaanayo Isbedal Shaqo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal ayaa sheegay in isbedel dhanka shaqada ah uu ku samayn doono Wasaaraddaas kadib markii Maanta uu la wareegay xilka Wasaarada Boostada.

Hadalkan ayuu aa Wasiirka cusub ka sheegay mar uu si rasmi ah  xilkaas ugula wareegayay Wasiirkii hore ee Wasaaradaas oo shaqada laga fariisiyay.

Munaasabada  waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wasiirka warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, , Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Boostada,  Guuleed Xuseen Qaasim  ayaa munaasabada xil wareejinta waxa uu ka sheegay in marxalad adag  ay kusoo shaqeyeen isaga iyo shaqaalaha  wasaaradda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in wasiirka cusub iyo shaqaalahaba looga fadhiyo isbadal dhab ah oo ka turjumo soo celinta adeegii isgaarsiineed ee dalka iyo helista adeegyada cusub ee ka jira caalamka.

Goobjoog News