U bood dhigaalka

Wasiirka Dastuur Ee Xukuumaddii Farmaajo Oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allaah U naxariito waxaa magaaalada Beydhabo ee Xarunta Kumel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ku geeriyooday Xildhibaan Maxamud Mahamed Boonow.

Xildhibaanka ayaa mudda dheer ka tirsana Baarlamaanadii dalka soo maray isagoo dowladihii kala duwanaa ka soo qabtay xilal kala gedisan isaga oo xukuumadda Xasan Kheyre ahaa wasiir dowlaha amniga.

2012 ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo dortay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya .

AUN Maxamuud Maxamed Boonow ayaa xukuumaddii ra’iusl wasaare Farmaajo 2010 ka soo noqday Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta.