U bood dhigaalka

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha “Waxaan Ugu Yaboohay Soomaalida Ku Dhibban Yemen Mushaarkayga Oo 900 Laga Jaray”

Sheeko:Dalka

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa ka mid noqday mas’uuliyiinta ka qeybgalay barnaamij si toos ah uga socda Goobjoog News, kaasi oo lacago loogu uruurinayo walaalaha ku dhibban dalka Yemen.

Waxa uu wasiirka marka hore u hambalyeeyay Goobjoog News sida ay isugu xil qaantay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo loogu tala galay in lagu kiciyo bulshada Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ku yaboohay mushaarka uu qaato marka laga reebo Lacag dhan 900 oo doolar.

Wasiirka waxaa kasii horeeyay wasiirka Arimaha gudaha oo shacabka ku dhibban Yemen ugu yaboohay lacag dhan 5-kun oo doolar, taasi oo ah mushaarka uu qaato bishii.

Cid walba oo Soomaaliyeed waa maalintii loo baahnaa in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen kuwaasi oo dushooda lagu dagaallamayo.

Dhageystayaasha Goobjoog news ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxa ay inoo soo wici karaan sidan:-

Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • AccountigaSalaama: MQD 0028404
  • AccountigaDahabshiil: 3058178
  • TeleefanEVC ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Goobjoog News