U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyada iyo Ciyaaraha oo Shiinaha Kala Hadalay Hormarinta Sports-ka Soomaaliya

Sheeko:Amniga
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa  kulan la yeehay Danjiraha Jamhuuriyadda shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Wasiirka iyo safiirka ayaa kala hadlay  dhinacyada ay ka wada shaqayn karaan labada dhinac iyadoo la soo marayo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkeenna oo u xilsaaran hagidda taageerada caalamiga ah.
Dhinacyada xoogga la saaray waxaa ka mid ahaa arrimaha la xiriira horumarinta ciyaaraha iyadoo wasiirku uu safiirka Shiinaha ka codsaday inay wax ka dhisaan tuulada ciyaaraha Muqdisho oo qaybaheeda Kubadda gacanta, midda miiska, Laliska iyo dabaashu ay aad u dayacanyihiin maadaama Shiinuhu ka mid ahaa dalalkii dhisay markii hore.
Safiirka Shiinaha ayaa balan qaaday inay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ay gacan ka siinayaan arrimaha la xiriira horumarinta Sports-ka oo ay ku jiraan deeqo waxbarasho oo ciyaaraha ku saabsan oo ciyaartooyda iyo garsoorayaasha ay siinayaan iyaga oo aqoon kororsi u tagay Shiinaha.
Goobjoog News