U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Oo Gaaray Magaalada Qardho

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax Muuse iyo Wafti uu hogaaminaayey ayaa gaaray Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar.

Wasiirka ayaa waxaa Safarka ku wehelinaayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Cabdalla Tigaana, Agaasimayaasha waaxyaha Ciyaaraaha, Maamulka iyo Maaliyada, Xiriirka Kubbadda cagta Puntland wuxuuna socdaalka qeyb ka yahay horomarinta isboortiga Maamulka Puntland.

Wasiirka iyo Waftigiisa ayaa soo dhowayn loogu sameeyey Duleedka Magaalada Qardho, Soo dhowaynta waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaga Gobolka Karkaar Siciid Faahiye, Duqa Degmada Qardho Cabdi Siciid, Gudoomiyaha Xiriirka Kuubada Cagta, qaar kamida Xildhibaanada Golaha degaanka, Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka, Shacabka degmada iyo qaybo kamida Dhallinyarada Ciyaartoyda ah.

Soo dhowayn kadib Wasiirka iyo Waftigiisa ayaa booqday Halka laga Dhisi doono Garoonka Cusub ee Kubada Cagta, Wasiirka ayaa waxaa Warbixin ka siiyey Gudoomiyaha gobolka iyo Duqa degmada Qardho.

“ Wafdigan waxa ay Qardho u yimaadeen horomarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha, waxayna qeyb ka tahay qorshayaasha u dagsan wasaarada ciyaaraha Puntland ” waxaas Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle