Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha “AMISOM Masii Deganaan Doonto Stadium Muqdisho”

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan oo marti ku ahaa barnaamijka Habeen tiriska Hiigsiga 2016 ee Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhageystayaasha Goobjoog ayaa wasiirka soo weydiiyay su’aalo badan, oo qaarkood ku saabsan siyaasadda dhallinyarada, shaqo abuurkooda, caqabadaha haysta dhallinyarada, arrimaha ku saabsan deganaanshiyaha AMISOM ee Stadium Muqdisho, qorshaha dhallinyarada naafada ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ugu horeen wasiirka ayaa ka hadlay arrinta ku aadan sida lagu xallin karo cabashada dhallinyarada ah ee nidaamka wax lagu qeybsaddo hadda ee 4.5, ah kaas oo meesha ka saaray xuquuq badan oo dhallinyaradu lahayd.

“Nidaamka aan hadda ku dhaqmeyno ee ah 4.5, waa nidaam loogu tala galay in geedi socodka lagu gaaray in dhallinyarada iyagu is metalaan, kuwa xukunka haya ee madaxda ah nooc kasta oo ay noqdaan iyaguna cabasho bay qabaan oo dhallinyaradii baahidoodii meeshii loogu tala galay in lagu daboolo oo imkaaniyaad ah ma haysanno, waxaan aaminsanahay in la gaari doono, laakiin cabashadood mar walba waa wadada lagu taagan yahay in wax laga qabto, dhallinyaro kaliya ma ahan reerihii baa cabanaya, bulshadiina dhan bay cabashadaasi haysataa, ma jirto meel meel dhaanta, xagga nidaamka wax dhismaha, waayo dowladnimada waxay ahayd in la galo codeyn qof iyo codkiisa ah, marka intaan la gaarin mar walba cabashadu wey jireysaa” ayuu yiri wasiirka.

MADASHA WADA TASHIGA QARANKA

Inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in xilligaan aanay wax lig ah ku lahayn madasha wada tashiga qaranka ee looga hadlayo aayaha nuuca ay noqon karto doorasho dalka ka dhacda, hadaba mid ka mid ah dhallinyaradii barnaamijka soo wacay ayaa wasiirka wax ka weydiiyay arrinkaasi iyo sidoo kale sida ay uga qeyb qaadan karaan.

Waxaa uu sheegay wasiirka in dhallinyarada xilligaanba ay ka mid yihiin madashaasi, sidoo kalena shirarkii dhawaan ka dhacay magaalooyin badan oo dalka ah ay ka qeybgaleen dhallinyaro aragtidooda dhiibtay.

“Waxaa jira dhallinyarada ra’yigooda intii la qaado in meel uu ka fulaa waxay u baahan tahay waqti fara badan, waxaan soo wadnay muddo barnaamij la yiraahdo siyaasadda Dhallinyarada oo loogu tala galay codka dhallinyarada, baahidooda iyo aragtidooda lagu soo uruuriyo, kadib la dhaqan geliyo, kadibna meelaha wada hadallada iyo hab dhaqanka siyaasadda Soomaaliya meel ay kala qabsan karaan inay noqoto, marka waxaa jira wadatashiyo wasaaraddu waddo, kana socda jaamacadaha, xarumaha wasaaradda intaba, barnaamijkaasi waxa lagu uruurinayo waxay tahay ra’yiga dhallinyarada sidee ayuu u meel maraa, madasha hadda lagu jiro dhallinyaro ayaa ku jirta, madasha waa dad yar kooban marka dadkaasi ayaa gudbin doona ra’yiga, wasiirada kuma wada jiraan, wasiirka dhallinyarada kuma jiro, dad kooban oo guddi ah baa ku jira, waxaa jira wada tashi la sameeyay oo laga sameeyay gobalada, degmooyinka, in ka mid ah dadka wada tashiyadaasi laga sameynayay dhallinyaro ayeey ahaayeen, marka kama aysan maqneen meesha, dhallinyarada mar walba wey ku xusan tahay shirarka la qabanayo”

QATARAHA LAGA AAMINSAN YAHAY DHALLINYARADA

Waxaa jirta qataro badan waayadii dambe laga aaminay dhallinyarada Soomaaliyeed, xitaa qaarkood ay gaartay inaysan meelaha qaar tagin, waxaana wasiirka wax laga weydiiyay waxa ay kala socdaan arrinkaasi iyo hadii ay jirto sida lagu dhameyn karo.

“Waxaa jirta mushkilad caalami noqotay oo ah in dhalinyaradii noqdeen dadkii qataraha waday oo arrinkaasi loo isticmaalay, isticmaalka dhalinyaradaasi ayaa abuuray aragti aan sax ku saleysneen oo ah in dhallinyarada loo arko inay wax badan baabi’inayaan, dhallinyarada waa Labo, waa in ay wax dhisaan ama burburiyaan, awoodda iyo kartida ku jirta meel kuma hakin karaan, maah maah baa dhahaysa 20 jir inta uu geed ka boodo ayuu tala ka boodaa, micnaheedu waxay tahay qofka dhallinyarada ah awoodda iyo kartida ku jirta iyo inta uu macluumaad raadinayo uu is leeyahay wax badan ogoow ayaa qabka ku jira waxa uu u sahlayaa waxyaabo badan oo qaribaadeena qeyb ka noqdo, mashaqada aan ku jirno tii hore iyo tii dambe dhallinyarada ayaa loo adeegsaday, aragtidaas ayaa abuuraysa in dhallinyarada la’is yiraahdo armey qatartii wadaan, laakiinse waxaan wadnaa qorsheyaal aan taasi uga gudbeynno”

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale la weydiiyay cabasho laga qabo wasaaradaha qaar oo ah in aysan dhallintu fursad u siin wixii ay qabaan inay u gudbiyaan, iyo sidoo kale in aysan jirin meel dhallinyarada ay fikirkooda ku dhiibaan, ama cabashadooda.

Wasaaradiisa ayuu sheegay in kaliya ayba shaqo ku leedahay arrimaha dhallinyarada, xilli walbana xafiiskiisa si shuruud la’aan ah u qaabilayo cid walba oo dhallinyaradaasi ah, misane cabasho ah ama aragti wadda.

“Xafiis wuu furan yahay waana kan aan fadhiyo ee wasaaradda ah, wixii cabasho ay qabaan dhallinyarada waxaan leeyahay kaas kusoo dhawaada, waa mid aan laga baqin oo dhallinyaradu ay leedahay, annaga wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ma jirto albaabkeeda qof laga celiyo, qofka waa la baaraa wuu soo gudbaa, hadii qofkii yiraahda la’ima baaraya waa la’iska dareemi karaa culeyskeeda, qof walba wuu inoo imaan karaa wuu nala kulmi karaa” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.

SIYAASADDA DHALLINYARADA

Wasiir Maxamed ayaa dhanka kale aynu wax ka weydiinnay qorshaha siyaasadda dhallinyarada, xeerka ay wasaaradiisu waddo iyo sidoo kale waxyaabaha uu soo kordhin karo.

Xeerkaan ayuu sheegay in uu wax badan ka bedali doono siyaasadda dhallinyarada, noqon doono mid dhallinyarada u hiiliya, laguna cadeyn doono wax walba oo dhallinyarada xaq u leeyihiin.

“Hadda waxaa socda wadatashiga lala sameynayay dhallinyarada, welina waxyar baa ka dhiman, waxaan is leeyahay waqti aad u dhaw ayeey soo bixi doontaa siyaasaddu oo Sanadka 2016-ka wey dhaqan geli doontaa siyaasadda dhallinyarada, marka ra’yiga waxa laga uruurinayo waa dhallinyarada, waxaa la tagayaa Jaamacadihii, Xabsiyadii, waxaa la tagayaa gobalkii, waxay ka bedli kartaa in dhallinyaradu cabashada ay qabaan oo qorshe leh, siyaasadeesan oo sharci leh inay la yimaadaan, markii ay la yimaadaanna in la sameeyo, sharcigaas waxaa gundhig u noqon doono in la sameeyo urur dhallinyaro oo Soomaali ah, kaasi oo ka hadlay danaha iyo daruufaha lasoo uruuriyay ee ku qoran sharcigaasi inay dhaqan galaan kuwaas, maadaama wixii ay dhaqan gelinayaan dhallinyarada yahayna sharci dowladda ogaalaatay oo la marsiinayo golaha wasiirada iyo baarlamaanka, waxaana uu noqon karaa wax u hiiliya Dhallinyarada, cabashadu markii ay sharci noqoto dad u adeega bay yeelan doontaan”

STADIUM MUQDISHO

Muddo sanado ah garoonka weyn ee Stadium Muqdisho waxaa fariisin ku leh ciidamada AMISOM, in badan waxaa la sheegay in ay ka guurayaan, hase ahaatee taasi suurta gal ma noqon, hadaba mid ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee lasoo hadlay barnaamijka Habeen tiriska Hiigsiga 2016, ayaa wasiirka weydiiyay sababta arrinkaasi ka dambeysay iyo weli waxa AMISOM ay la deggan tahay garoonkaasi.

Waxa uu sheegay in AMISOM aysan halkaasi sii degnaan doonin, balse dhankooda aysan weli hayn qarashkii lagu dayactiri lahaa, maalinta qarashkaas ay helaanna ay AMISOM si shuruud la’aan ah ku guuri doonto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamadaan nabad ilaalinta AMISOM ee deggan Stadium Muqdisho waxay u deggan yihiin arrimo Amni ee ma ahan in ciidamada meeshaasi qabsadeen, markii ugu horreysay ee innagu helnay miisaaniyaddii iyo bajadkii aynu ku dayactiri lahayn, masii deganaan doonaan, waayo xarrun walba oo loo baahdo in la dhiso ama la dayactiro ciidamadaasi wey ka baxaan, oo waxay uga baxaan si cad oo dowladda u sheegto, annaga ayaan weli soo diyaarin qorshihii dhismaha iyo dayactirka ee ma ahan  inay ciidamadaan haystaan oo iyaga dartood loo geli la yahay Stadium Muqdisho, waxaa noo qorsheysan in la dayactiro oo la dhiso, laakiinse miisaaniyadii iyo bajadkii ayaan isku keen duba dhicin, marka ugu horreysa ee isku toosaan waqtiga ugu fudud ayeey AMISOM ka guuri doontaan, suurta gal ma ahan inaan hadda waqti sheegno, waxay u baahan tahay farsamo, waxay u baahan tahay in jadwalkii miisaaniyadda inay dhameystiran yihiin, meesha ugu horreysa ee aan dhaqaale ka helno waxaan ogahay inaysan sii deganaaneyn, waan rajeyneynaa in deeqo kale ay jiraan, dabcan in badan waxaan raadinnay in deeqo badan oo dibadda ah la helo, waxyaabo qorsheyaal laga sameeyay wey jiraan, laakiinse waxaa dhima oo kaliya miro dhalkii”

SHAQO ABUURKA DHALLINYARADA

Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan oo haysa qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, hadii ay ahaan lahaayeen kuwo jaamacado dhameystay ama kuwo kale, inta badanna dhallintu waxay sheegeen in si garab ah ama nin jeclaysi dhallinyarada shaqo loo siiyo, hadaba su’aashaasi ayaa wasiirka la hor dhigay.

“Dabcan walaal waxaa jira oo hadda wadnaa xeer la yiraahdo siyaasadda dhallinyarada, shaqo iyo nidaam markaad sameyneyso waa inaad siyaasad cad ka leedahay oo aad kula xisaabtami karto mushtamacaadka kale ee aduunyada oo aad dhihi karto waxaan baa ii qorsheysan, adiguna aad qorshahaaga ku dari karto siyaasad go’an, ma aysan jirin siyaasad go’an oo loogu tala galay in dhallinyarada lagu shaqaaleysiiyo ama ay ku noolaadaan meel amni ah, marka waxaa gaba gaba inoo jooga sharciga siyaasadda dhallinyarada, wey jiraan barnaamijyo loogu tala galay shaqo siinta dhallinyarada, waxaa jiro barnaamij loogu tala galay deeqaha caalamiga ah in lagu shaqaaleysiiyo dhallinyarada, mustawihii aan ugu tala galnay weli ma aanu gaarin, balse waa uu socdaa, marka waxaa udub dhexaad noqon doona sharcigaan aan gacanta kula jirno oo waqti badan aan gelinnay, bilaha ugu soo horeeya sanadka cusub ayaana gudbin donnaa”

QORSHAHA DHALLINYARADA NAAFADA AH

Mar wax laga weydiiyay wasiirka Dhallinyada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, qorshaha uga degsan wasaaradiisa dhallinyarada naafada ah ayuu sheegay in xeerka lasoo wado uu wax badan ka qeexayo naafada iyo waxa ay xaq u leeyihiin.

“Waxaa jirta naafada guud ee dhallinyarta ah xeerkan aan hadda diyaarineyno wey ku jiraan, waayo waxyaabo waxaa jira baahidooda gaarka ah aan hadda ku jirin nolosha caadiga ah ee Soomaaliya ka jirta, malahan waxyaabo u gaar ah, hadii aad aragtid meesha ugu sokeyse ee tusaale loo soo qaadan karo waa guryaha meel ay ka galaan malahan, laamiyadda meel ay ka maraan malahan, goobaha loogu tala galay in lagu nasto meel kuma leh, sida aduunyada kale oo dhan ay meelo u leeyihiin sida laamiyada, meel ay ka koraan guryaha iyo wixii la mi dah, yacni daruufaha haysta waan garaneynaa, sharcigaan aan rabno inaan qeyb uga soo dhigno dadka naafadda ah nooc walba oo ay noqdaan, marka waxaan is leeyahay markii sharcigaas soo baxo in dhallinyaradaasi ay meel kasoo galaan” ayuu wasiirka hadlkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa looga dhiyaa ka dhabeynta shaqooyinkaan badan ee ay sheegtay inay ku howlan tahay.

Wareysi Qaade:- C/kariin Cali

W/Q:- Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW