U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Ambabaxay Itoobiya,Si uu Dhiiragelin Ugu Muujiyo Xulka Qaranka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia, si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah wasiiro heer dowlad goboleed oo dhanka ciyaaraha ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga. Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qabanayo  Algeria.

Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo xalay casho sharaf u sameeyay iyo dhiiragel;in ciyaartooyda qaranka, Soomaaliya iyo South waxaana ay noqdeen labada wadan ee koobka ku matalaya wadamada bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhacaya Algeria.

Goobjoog News