U bood dhigaalka

Wasiirka Difaaca Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Baardheere

Sheeko:Dalka

Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa maanta gaaray wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo xubno ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka waxaa garoonka magaalada Baardheere kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Intaasi ka dib ayaa wasiirka waxa uu kormeer ku tagay meello ka mid ah degmada Baardheere, waxaana kulamo gaar gaar ah uu la yeeshay saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiir Diini ayaa kulan looga hadlayay xaaladda degmada Baardheere waxa uu la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, waxaana Jeneraal Fartaag uu sheegay in xaaladda guud ee degmadaasi haatan tahay mid hagaagsan.

Ugu dambeyn wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in socodkooda uu ku qotoma sidii wax badan uu uga ogaan lahaa xaaladda guud ee degmada Baardheere, hadii ay ahaan lahayd midda nololeyd iyo tan ammaan intaba.

Hoos ka daawo sawirada

05 04 03 02 01

Goobjoog News