U bood dhigaalka

Wasiirka Difaacadda Uganda : 8 Askari Ayaa Nooga Dhimatay Weerarkii Xalane

Sheeko:Dalka

shirka wadamada ciidamada ka joogaan SoomaaliyaSida uu faafiyey wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda, wasiirka difaaca dalkaasi Dr. Crispis Kiyonga ayaa sheegey in askar badan oo lagaga diley Soomaaliya iyo qalab badan oo kaga burburey aanan wax magdhow ah wali laga siinin.

Wasiirka ayaa sheegey in askarta laga diley 8 ka mid ah lagu diley weerarkii xarunta Midoowga Afrika ee Muqdisho ee Xalane, kaasi oo dhacay 25-tii Diseembar, 2014-ka.

Wasiirka ayaa ka hadlayay shir labo maalmood ah oo Kampala ka socdey, kaasi oo ay isugu yimaadeen wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegey in qalabka kaga burburey Soomaaliya ee ay magdhowda oga baahanyihiin ay jiraan dayuuradaha helicopter-ka oo kaga burburey buuraha Kenya sanadkii 2012-kii.

Markii uu weerarkii Xalane dhacay, AMISOM waxa ay sheegtey in 4 qof oo kaliya ay kaga dhinteen weerarka.

Goobjoog News