U bood dhigaalka

Wasiirka Duulista oo Sheegey in Si Rasmi ah Dowladda Loogu Soo Wareejiyey Maamulka Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Sare Saciid Jaamac Qorsheel oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegey in si rasmi ah maamulka hawada Soomaaliya loogu soo wareejiyey dowladda Soomaaliya.

Waxa uu kasoo laabtay shirweynaha hey’adda duulista hawada sare ee adduunka ICAO kaasi oo ka dhacayay dalka Canada.

Wasiirka ayaa sheegey in saxiixa uu dhacay 4tii bishan Deseember, balse ay wali dhimanayaan kaabayaashii kale ee lagu kala wadi lahaa hawsha maamulka hawada taasi oo ay ahayd in ay fuliso hey’ada qaramada Midoobey ee wixii hadda ka horeeyey gacanta ku hayay duulista hawada sare ee Soomaaliya.

Waxa uu wasiirka intaasi ku daray in kaabayaasha loo baahanyahay ee hadda hawsheeda socoto ay ka midtahay dhismaha laga maamulo hawada ee loo yaqaano (taawarka) , iyo sidoo kale qalabka raadaarka oo uu sheegey in laga soo iibiyey dalka Talyaaniga, kaliyana uu sugayo in dalka la keeno.

Shaqaalaha tabobarka heysta ee Soomaalida ee horey oga shaqeynayay laanta hawada ee iyagu Nairobi ku sugan ayuu wasiirka sheegey in ay dalka usoo wareegayaan si hawsha ay halkeeda oga sii wataan.

Illaa sanadii 1996-dii ayaa maamulka hawada Soomaaliya waxaa gacanta ku hayay hey’ad Qaramada Midoobey oo fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi, taasi oo uu ku dhoco dakhliga kasoo xarooda hawada, dowladda Soomaaliyana waxa ay dooneysaa in qarashkaasi lagu kaabo miisaaniyadda Soomaaliya.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Goobjoog News