U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaadhigga Israel Oo Booqasho Ku Imaanaya Afrika

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaadhigga Israel Avigdor Lieberman, ayaa la filayaa in uu booqasho ku yimaaddo qaar ka mid wadamada qaaradda Afrika, waa  booqashadii ugu horreysay ee uu ceynkaasi ah oo Israel ah uu ku yimaaddo qaaradda Afrika.

Idaacadda Israel ayaa sheegtay  in Avigdor Lieberman uu booqanayo dalalka Rwanda, Tanzania iyo Zambia balse idaacadda ma aysan xadidin inta ay qaadaneyso booqshada wasiirka.

Lieberman ayaa kulamo la yeelan-doonno madaxda ugu sarreysa dowladahan saddexda ah, waxaana ugu weyn,  waxaa ay ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo dowladahan.

Israel ayaa kordhisay sanadihii ugu dambeeyay xiriirka ay la yeelaneyso qaaradda Afrika, iyada oo  ra’iisulwasaare Netanyahu uu ku yimid booqasho qaar ka mid ah wadamada Africa, dhankoodana madax Afrikaan ah ayaa tagay magaalada Tel’aviv.

Afrikaanka waa dalalka ugu badan ee taageero siiya qadiyadda Falastiin iyo in shacabkaasi yeeshaan dowlad iyo shacabka dhulkaasi ku nool, taasi oo si weyn uga soo horjeedda rabitaanka Isra’il.

Goobjoog News