Wasiirka Gaashaandhiga “Ciidamada Xooga Dalka Waxay Xilliga Dhaw Ee Soo Socda Qaban Doonaan Degaanno Muhiim Ah”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalada ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baardheere .

Gen Diini, ayaa sheegay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada AMISOM in ay wadeen xilliyadii ugu danbeeyey weerar ballaaran oo saddex geesood ah oo lagu qabanayay meelaha ay weli ku sugan Al-shabaab, isagoo xusay in gulufkan uu qayb ka yahay dadaalka dowladda ay ku dooneyso in ay ku qabato deegaanada Al-shabaab dalka ka maamulaan.

“Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran iyo difaacidda dalkooda hooyo, waxay qaadeen dhowr weerar oo ka socda aagagga kala ah Jubbooyinka, Bay iyo Bakool. Weeraradaasi oo natiijo fiican laga gaaray, waxaa lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ay ka mid tahay degmada muhiimka ah ee Baardheere, tuulooyin iyo dhul miyi ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxay xilliga dhow ee soo socda qaban doonaan degaano muhiim ah oo laga saari doono kooxda Shabaab ee caadaysatay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah iyo burburinta hantidooda. Howlgalladan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka lagu xasilinayo dhammaadka sannadkan, waxana rajayneynaa in shabaab la soo afjaro sannadkan gudihiisa”ayuu raaciyey Wasiir Diini.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda AMISOM, waxuna ku bogaadinayay xoojinta guushan ay gaareen.

–DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga X.F.S

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW