U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha AMISOM Oo Ka Shiray Dardar Gelinta Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu, waxana kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Zeyinu  ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen  howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah, si gobollada dalka ee ay ku dhuumaalay-sanayaan sanadka cusub ee 2016 guud ahaan gacanta dawladda loo soo gelin lahaa.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya, isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga. Ayuu yiri Wasiir Diini.

00002 00001