U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Oo Lagu Tababarayo Masar

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa booqday xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Qaahira.

Wasiirka ayaa booqashada waxaa ku wehelinayey Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood”.

Mudane Diini ayaa hadal dar-daaran ah u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay oo dhawaan dib ugu soo laabanaya dalka iyo kuwa uu weli u socdo, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in aqoonta ay soo barteen ay dalkooda dib ugu celiyaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan”.

“Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus oo qaran, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga, waxaad noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka marxaladdaan adag” ayuu yiri Wasiirka

Wajiyada Ciidamadda ayaa laga dheehan karay farxad iyo rey reyn, maadama ay fursad u heleen in dalka dibadiisa ay wax ku soo bartaan, iyagoona muujiyey inay kalsooni buuxda ku qabaan dawladda iyo shacabkooda.

Ugu danbayntiina, wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey dawladda Masar tababarka ay siisay saraakiishan ciidan ee ka mid ah kawaadirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Masar ay weligeed bar-bar la garab taagnayd dalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiil 3 Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiil 2 Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiil 1